27.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 17, 2026

Xog: Xiriirka DFS iyo Uganda oo sii xumaaday.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa bilihiidanbe sii xumaanaayay xiriirka Diblumaasiyadeed ee Dowlada Somalia kala dhexeeya Dowlada Ugandha, kadib markii meesha ay ka baxday maslaxado dhowr ah oo labada dal ka dhexeeya.

Dowlada Ugandha ayaa xiriir fog iminka la leh Siyaasiyiinta sida xoogan kaga soo horjeeda Dowlada Somalia ee uu iminka Hogaanka u hayo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, iyadoo dadka u dhoon-daloola arrimaha Siyaasada ay qabaan in Dowlaa Ugandha ay xiligaani ka fiirsaneyso qaabka ay Siyaasad wadaag kula yeelan laheyd Dowlada Cusub ee imaan doonta.

Xeriirka labada Dowladood ayaa hoos u dhacay kadib markii Dowlada Somalia ay ogaatay in Dowlada Ugandha ay taageero u muujineyso Musharaxiin kale oo u tartameysa Madaxtinimada Somalia, iyadoo ay meesha ka baxday qorshihii hore ee ahaa in Ugandha ay mar kale taageerto Xassan Sheekh oo kasii dhacaaya xilka.

Dowlada Ugandha ayaa miisaan culus ku dhex leh Somalia, waxaana xusid mudan inay koow ka aheyd Dowladihii taageerada u muujinaayay Xassan Sheekh xiligii uu ahaa Musharaxa.

Gaabiska ku imaaday xiriirka labada Dowlad ayaa calaamad u ah hoos u dhaca ku imaaday Safaradii Xassan Sheekh iyo Golaha Wasiirada ay isaga daba laaban jireen magaalada Kambala ee xarunta Dalka Ugandha.

Geesta kale, Gaabiska xiriirka ayaa sidoo kale sabab u ah hakatkii ku imaaday Tababarada Ciidamada Dowlada lagu siin jiray xiryaha ciidan ee Dowlada Ugandha, taasi oo dhaqaale adag uu ka heli jiray Madaxweynaha Dalkaasi Mosaveni.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News