Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay ka taagan tahay deegaanada Cadaado, Gelinsoor iyo Dhabad.
Colaadaani soo cusboonaatay ayaa waxaa cadeeyay Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Gobollada Mudug, waxa uuna sheegay in colaadu ay tahay mid ka duwan colaadihii horay uga taagnaan jiray deegaanadaasi.
Nabadoonka waxa uu sheegay in colaada ay tahay mid u dhexeyso maleeshiyaad wada dega deegaanadaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay dib usoo cusbooneysiinayaan Dagaalo beeleedyadii laga soo gudbay.
Nabadoonka waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan Odayaal si hoose uga qeybqaadanaaya colaada, waxa uuna ka digay in dadka deegaanka ee walaalaha ah leyska horgeeyo.
Digniinta iyo hadalka Nabadoonka ayaa imaaneysa xili dhawaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ay kuwada dagaalameen maleeshiyo beeleed kuwaas oo weli xiisadooda ay ka taagan tahay deegaankaasi.
Dhanka akle, waxaan wali jirin cid ka hadashay xiisada taagan oo ka tirsan maamulka Galmudug, waxa ayna dadka deegaanku yihiin kuwo ku hooyda cabsi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

