Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu xasuusan doonaa haadalo adag oo uu jeediyay markii uu mucaaradayay nidaamka 4.5, waxaana hadda muuqata in C/welli Gaas uu badalay fikradiisa.
Waxaa soo baxaya in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, uu la hadlay wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee kusugan magaalaa Garowe waxaana Cumar C/rashiid lagu wargeliyay inuu aqbalo sharuudaha Puntland hal sharuud maahine.
Waxaa dhawaan la filayaa iney hishiis kala saxiixdaan madaxweyne Gaas iyo wafdiga ra’iisul wasaaraha ee kusugan magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.
Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland iyo wafdi ka socdo beesha caalamka ayaa la filayaa iney tagaan magaalada Garowe si ay goobjoog kaga noqdaan hishiiska dhacaya.
Dib u xasuuso hadaladii madaxweyne Gaas ee diidmada nidaamka 4.5.
“Puntland waa hadashay waana diiday 4.5ka.”
“Haddii dunida oo dhan isku timaado ka yeeli mayno qaata 4.5.”
“Haddii aysoo kaxaystaan Ban Kimoon xitaa ka yeeli mayno”
“Taladii 4.5ka waxaan ku celinay shacabka Puntland,waxa shacabku rabo ayaan ku qasbahanay.”
Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah u gashay sidii C/welli Gaas kaga dhaadhicin lahaan aqbalida nidaamka 4.5
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

