Garoowe (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo aan helnay ayaa sheegaya in maanta uu magaalada Garoowe kusoo wajahan yahay wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr Tedros Adhanom kaasi oo qayb ka ah wafdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia M.Keating.
Socdaalka wafdigan ayaa la xiriirta shirarka looga hadlay 4.5 kaasi oo muddo ku dhaw asbuuc looga arrinsanayo Garoowe la filayo in lasoo geba gebeeyo, kadib heshiis horudhac oo la gaaray.
Mas’uuliyiintan imaanaya marka laga reebo wasiirka Ethiopia kasocda, waxay dhammaantood horay u yimaadeen caasumadda Puntland iyagoo ka qayb galay kulamo caynkan ah oo ay la yeesheen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo golayaasha dowladda iyagoo kala hadlay aragtidooda ku aadan nidaamka lagu salaynayo doorashada Somalia ka dhacaysa 2016.
Waxaa jira waxyaabo badan oo labada dhinac isku waafaqeen islamarkaana waxaa la filayaa in wafdigaasi kadib laga soo saaro warmurtiyeed ka hadlayo waxyaabihii laga wadahadlay iyo go’aamada soo baxay.
Caasimada Online ayaa shalay xog gaar ah ku heshay in Puntland ay aqbashay nidaamka 4.5, ayada oo ku bedelaneyso arrimo dhowr ah oo dowladda ay u ogolaaneyso. Halkan ka aqri.
Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia ayaa la filayaa inuu goob joog ka noqdo saxiixa heshiiska labada dhinaca.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

