25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Goodax oo ka digay nin laga dhigi rabo M/weyne

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share


Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay Siyaasado iska soo horjeeda laga dareemaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, ayaa waxaa soo baxaaya qorshooyin gaar ah oo la sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu kawado Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Bare oo ka mid ah BFS, ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan wanaag u arag in leyska hor keeno dadka wada dega Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xildhibaan Goodax waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu doonaayo in maamulka cusub ee loo dhisi doono Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe uu Madaxweyne uga dhigo nin la sheegay inay qaraabo hoose yihiin Xassan.

Goodax waxa uu farta ku goday in marnaba Xassan Sheekh uusan Siyaasada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ka aheyn dhex dhexaad, waxa uuna farta ku goday in damaciisa Siyaasadeed uu yahay in Siyaasi ina adeerkiisa ah uu Xilkaasi u dhiibo.

Isaga oo eedeyntaasi jeedinaayay ayuu yiri “Xasan Sheekh wuxuu u kala eexday shacabka gobalka Shabeelaha dhexe iyo kuwa hiiraan sida aan aaminsanahay waxa uu kala ficlayaa Beelaha walaalaha ah”

”Waan la socnaa in Xassan Sheekh uu diyaariyey nin ay qaraabo yihiin oo uu doonaayo inuu ka dhigo madaxweynaha maamulka cusub, waa arrin nasiib darro ah in madaxweynihii dhamaa uu sidaa xaalkiisu yahay”

Haddalka Goodax ayaa imaanaya xili Beesha Xawaadle ay wali dhaliilsan tahay qaabka ay Dowlada Somalia u hogaamineyso Siyaasada lagu mideynaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News