Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in rag hubaysan goor dhaweyd Degmadaasi ay ku weerareen gaari uu la socday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.
Gaari uu la socday Xildhibaan lagu magacaabo Maxamed Cali Diheeye ayaa lagu weeraray meel ku dhaw Bacaadlaha Degmada Xamar weyne, waxaana la sheegayaa in dhaawac uu soo gaaray Xildhibaanka.
Labo ka mid ah Ilaalada Xildhibaanka ayaa weerarkaasi ku dhintay, kadib markii rag hubaysan oo gaari wata ay ku horgooyeen gaariga Xildhibaanka oo ay rasaas xoogan ku fureen.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay raggii hubaysnaa ee Xildhibaanka weeraray inay ka baxsadeen goobta, iyadoo dhaawaca Xildhibaanka halkaasi laga qaaday.
Ammaanka Muqdisho ayaa maalmahan wuxuu noqday mid sii xumaanaya, waxaana sii kordhaya falalka dilalka qorsheysan ee caasimada ka dhacaya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

