Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilli hore sii bilaabay ololaha musharaxnimadiisa madaxweynaha Soomaaliya oo uu doonayo inuu mar labaad xilka ku soo laabto.
Wararka laga helayo madaxweynaha ayaa sheegaya in la bilaabay dib u abaabulka xisbigii Madaxweynaha ee PDP, isla markaana la dardar gelinayo shirka Jowhar oo la doonayo in muddo 45 maalmood ah lagu soo gabagabeeyo, laguna doorto madaxweyne uu wato Xasan Sheekh.
Kadib heshiiskii Garowe oo Puntland ay ku ogolaatay nidaamka 4.5 in lagu galo Baarlamaanka cusub, waxaa laga dareemayaa madaxweynaha iyo saaxiibadiis inay galeen jawi isu diyaarin doorashada soo socota oo muddooyinka soo socda si weyn loo dareemi doono.
Dhinaca kale Bogga Facebook ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii ugu horeysay muddo sanad ah la cusbooneysiiyay, waxaana kaadirintii PDP oo kala tegey markii uu xilka madaxweyne ku guuleystay Xasan Sheekh ay hadda isu diyaarinayan olole kale oo markan aan la hubin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]