Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay taalo gogosha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa maanta la filayaa inuu dib kaga furmo dhiska maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Sabti ah magaalada Jowhar dib looga furayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaasi oo muddo bilooyin ah hakad ku jiray.
Wasiir Odowaa wuxuu sheegay in la dhameeyay dhamaan tabashooyinkii ay qabeen odayaasha dhaqanka ee Hiiraan ayna iska garteen in shirkaasi dib looga furo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Saaka ayaana la filayaa in shirkaasi dib looga furo magaalada, kaasi oo u hakaday kadib markii odayaasha dhaqanka ee Xawaadle ay ku qanci waayeen habka loo maray maamul sameynta iyo tirada ergada kusoo aaday beeshooda.
Wafuud kala duwan oo ka socdo Dowlada ayaa tagay magaalada Beledweyne waxaana kamid ahaa Xasan Sheikh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha dalka iyo wasiiro xukuumada ka tirsan,kuwaas oo isku dayay iney odayaasha Hiiraan qanciyaan.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]