26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

C/risaaq & Barrow oo dil toogasho lagu fuliyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay dadkii ka dambeeyay dilka wariye Hindiya xaaji Maxamed oo dhamaadka sanadkii lasoo dhaafay lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Labo ruux oo la sheegay iney qirteen dilka wariye Hindiya ayaa maanta lagu toogtay fagaaraha iskool Baluuziyo, waxaana goobta warbaahinta kula hadlay gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.

Dadkaan oo xukun dil ah lagu riday ayaa maanta lagu fuliyay, waxaana toogtay ciidamo badan oo ka tirsan  kuwaasi oo ku sugnaa xarunta Iskuul Baluuziya.

Raggaan Maxkamaddu ay Tooganeyso ayaa kala ah  Xasan Nuur Cali Faarax iyo  C/risaaq Maxamed Barrow,kuwaas oo dhawaan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida ay Dil Toogasho ah ku Xukuntay ka dib markii ay Racfaan qaateen.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa horey sidaan oo kale xukun sanado ah ugu riday dad kale oo lala xiriiriyay Hindiya Xaaji Maxamed qaraxii loogu xiray gaarigeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News