25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Xog: Madhab baa in xabsiyada DF laga siidaayey rag toogasho ku xukunaa?, yaase ka dambeeya?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar kala duwan oo laga helaayo Saraakiisha Xabsiga dhexe ee DFS, halkaasi oo ay ku xiran yihiin shaqsiyaad u xiran falal dil, Kufsi iyo isku day dil lagu helay kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo dhowr sano un ka hor la xakumay oo aan lagu fulin xukunka.

Axmed Maxamuud oo ah Dhame kana tirsan ilaalada Xabsiga ayaa sheegay inay jiraan Maxaabiis kala duwan oo si sharci darro ah looga sii daayay Xabsiga kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo ku xukunaa dil.

Axmed waxa uu sheegay in ragga lasii daayay ay ku jiraan kuwo ay ka danbeeyen rag ka tirsan Dowlada, waxa uuna tilmaamay in kuwaasi xabsiga laga saaray xili habeen ah.

Axmed waxa uu sheegay in Xabsiga ay wali ku jiraan rag xukun dil ah uu ku dhacay kuwaasi oo xabsiga isaga jira ku dhawaad laba sano, taasina ay tahay mid la doonaayo in lagu ilaabsiiyo Bulshada kadibna cafis hoose loo sameeyo.

C/llahi Axmed oo isna kamid ah ilaalada Xabsiga ayaa sheegay inay jiraan rag farabadan oo loo soo qabtay dilal ay geysteen balse aan xabsiga ku xirneyn muddo kooban waxa uuna tilmaamay in ku dhawaad 7 ruux oo xukuno dil ah ay ku dhaceen siyaabo kala duwan looga sii daayay Xabsiga muddo hal sano iyo bar gudahooda, kuwaasi oo deysmadooda ay ka danbeeyen rag xilal ka haya Dowlada, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili inta badan Hay’adaha u dooda xuquuqda aadamiga ay dhaliileen qaabka ay Dowlada Somalia u kala sareysiineyso Maxaabiista iyo kuwa Dilka lagu xakumo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News