26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog cusub: R/W Cumar iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda oo fadeexo kala kulmay ISTANBUUL.!!

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa magaaladan Istanbul ee dalka Turkiga ka socda shirkii madaxda waddamada Islaamka ah. Shirkan oo aay ka soo qeyb galeen in ka badan soddon (30) Madaxweyne iyo Ra’isul wasaaro yaal, aay waxaa shirkan Soomaaliya u matalaayo wafdi uu hor kacayo RW CCC.

Haddaba sida aay Caasimada Online u sheegeen ilo ku dhow safaaradda JFS ee Turkiga iyo qaar ka mid wafdiga RW CCC, waxaa habeenadii xalay ahayd ilaa saakay dhacay arrimo ka baxsan dimplomaasiyada caalamka.

RW CCC ayaa waxaa uu ka codsaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalan Hadliye Cumar in uu ballan uga soo qabto si uu u arko Boqorka Dalka Sacuudiga Salman Bin Cabdulcasiis Al Sacuud.

Wasiirka ayaa waxaa uu hareer maray protocolkii Safaaradda JFS wuxuuna si toos ah ugu tegay madaxa protocolka Boqorka Salman. Farriintii ahayd in RW CCC uu rabo in uu la kulmo Boqor Salmaan, ayuu boqorka ka biyo diiday la kulanka CCC.

RW CCC ayaa arrintii aad uga carooday sida protocolka ka baxsan ee uu Wasiirka u hareer maray safaaradda JFS, taasoo RW qiil uga dhigay in uu wasiirkaba aanu raalli ka ahayn la kulanka boqorka. Mid ka mid ah shaqaalaha safaaradda JFS ee Turkiga oo lagu magacaabo Jaamac ayaa waxaa uu si toos ah u wacay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan dalka Suudaan. Madaxweynaha oo aad uga xanaaqay falka uu ku kacay RW CCC, taasoo aanan ku jirin qorshihii loo soo diray RW oo ahayd kaliya ka qeyb galka shirka waddamada Islaamka.

RW CCC iyo Madaxweynaha ayaa waxaa dhexmaray hadalo ad-adag sida aay sheegeyso xogtan. RW Ayaa wuxuu aad uga sii carooday in Jaamac uu waco madaxweynaha, markii la weydiiyayna waxaa uu ku jawaabay in amarka uu lahaa Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cabdullaahi Sanbalooshe. Arrintan oo aad u kacsan ayaanan la ogeyn go’aanka uu RW CCC ka qaadan doono Wasiir Hadliye, Jaamac iyo Sanbalooshe.

oic1 oic

Caasimada Online
Xafiiska Istanbuul
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News