25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xildhibaan ka tirsan BFS oo weerar lagu qaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Bomb gacmeedyo Caawa lagu weeraray guri uu halkaasi ka degan yahay Xildhibaan ka tirsan BFS.

Xildhibaanka hooygiisa lagu weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdifatax Nuur Mataan, waxaana la soo warinayaa in Xildhibaanka uu ka bad-baaday weerarkaasi.

Weerarka lagu qaaday Xildhibaanka ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 4 ruux oo Seddex ka mid ah ay ahaayen Haween.

Gudoomiya ku-xigeenka degmada Beled Xaawo Bile Huufood ayaa xaqiijiyay weerarkaasi lagu qaaday Xildhibaan Cabdifatax Nuur Mataan.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanka uusan weerarka waxba kasoo gaarin balse waxa uu cadeeyay inay ku dhaawacmeen dad kale oo ku sugnaa Hooyga Xildhibaan Mataan.

Ma jirto cid ilaa iyo iminka sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News