26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Gaas oo ka hadlay arrin uu Muqdisho kula soo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay inuu aad ugu qanacsan yahay shirkii lagu soo afmeeray magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay in shirka wadatashiga ee kusoo xirmay magaalada Muqdisho uu ahaa mid inbadan ka duwanaa shirarkii hore waxa uuna tilmaamay in muranadii jiray laga gaaray xal rajo u ah dalka.

Waxa uu sheegay in Puntland ay aad uga wal-walsaneyd in Dowlada hadda jirta ay ku dhaqaaqdo wakhti kororsi, balse waxa uu sheegay in iminka uu qabo kalsooni islamarkaana aysan dhici doonin wakhti kororsi.

Wuxuu xusay in heshiiskii ay wada-galeen Puntland iyo Dowladda Federaalku horraantii bishaan uu muujinayay maslaxadda guud ee ummadda Soomaaliyeed inay isku mid tahay, isla markaan ay mar walba Puntland ka shaqayso maslaxadda guud ee Waddanka.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa waxa uu ahaa “Waxaa ka muuqday war-mutiyeedkii kasoo baxay Madashii Doorashooyinka in la is-waafajiyo heshiiskii Puntland iyo Dowladda Federaalku ay Garoowe ku galeen, Beesha Caalamkuna ay Markhaatiga ka ahayd iyo waxa kasoo baxay madasha Wadatashiga qaran inay is-waafaqaan,”

Docda kale, Madaxweyne Gaas ayaa ku nuux-nuuxsaday in Puntland aysan laheyn Siyaasad gaar ah, balse mar waliba ay u taagan tahay in laga gudbo wixii shacabka tusaaya faquuqa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News