26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Axmed Madoobe oo amaan yaab leh u jeediyey…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa soo dhaweeyay go’aanadii kasoo baxay shirka Madasha wadatashiga Qaran ee maalmo un ka hor kusoo xirmay magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid Taariikhi ah, islamarkaana sumcad gaar u leh Madaxda Soomaalida oo markii ugu horeysay dhexdooda wada garay go’aan aan Khilaaf ka dhalan.

Madoobe waxa uu sheegay in qorshaha Doorashada dalka hal wado loo jeediyay islamarkaana Madaxda dalka ay ku dhaqmi doonaan qodobadii ay saxiixeen kaasi oo hagi doona dhammaantooda, sida uu hadalka u dhigay.

”Waa hubaal Somalia horay ugama dhicin guul lamid ah kan iminka aan ka gaarnay shirka wadatashiga, waayo kuwii hore waxa ay ahaayen kuwo laga ganbanjiray xaqiiqda jirta”

Madoobe ayaa xusay in go’aannada laga doodayay aysan aheyn kuwo jilicsan, laakiin la muujiyay isku-tanaasul iyo mas’uuliyad, taas oo uu sheegay inay ahayd in shirka ay go’aanno la isku raacsan yahay kasoo baxaan.

Waxa uu intaa raaciyay in soo xulitaanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay u taallo maamul-goboleedyada, Halka Aqalka Hoose uu ka imaan doono xildhibaan walba deegaanka laga soo xuli doono.

Geesta kale, waxa uu rajo ka muujiyay in DFS ay sida saxda ah u dhaqangalin doonto qodobadii kasoo baxay shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News