Garowe (Caasimada Online) – Tan iyo markii dhawaan ay soo ifbaxday warbixin la xiriirta qorshaha hayada World Vission ay ka leedahay caawinada iyo mashaariicda ay ka sameyneyso Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi waxaa ka hadlay madaxweyne C/welli Gaas.
Hayada ayaa xayaysiin ay sameysay ku sheegtay iney doonayaan ruux ka shaqeeya xafiiska hayada ee magaalada Garowe, balse sharuudaha lagu xiray ayaa lagu sheegay inuu noqdaa ruuxa qof diinta karishtanka u go’ay, oo lamicno ah qof aan muslim aheyn inuu shaqadaasi qaban karo.
Xog aan helmay ayaa sheegeysa in madaxweyne Gaas uu gudi u xil saaray baaritaanka waxyaabaha hayada ay ka sameyso deegaanada Puntland, maadaama uu soo baxay shaki ah in diin aan aheyn tan Islaamka iney faafineyso hayadaasi.
Warbaahinta Dalsoor ayaa dhawaan soo bandhigtay cadeymo muujinaya in hayada ay dalbatay ruux aan aheyn Muslim kana howlgalaya dhul Muslim leeyahay kana tirsan Puntland.
Gudiga ayaa sida xogta aan ku heleyno laga doonayaa iney baaraan howsha World Vission ee deegaanada Puntland, waxaana warbixinta ay kula laaban doonaan madaxweyne C/welli Gaas.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

