27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Goodax & Jeesow oo is feeri tagay Faarax dartii

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii maalintii shalay golaha shacabka ay kulan yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka doodayay mooshinka laga gudbuyay shirka magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dhashay buuq badan.

Kulankaasi ayaa waxa xildhibaanada ay doonayeen ineyku meel mariyaan mooshinka ka dhanka ah shirka magaalada Jowhar, halka xildhibaanada kale ay mucaaradsanaayeen mooshinka oo ay ku saxiixan yihiin inka badan 40 mudane.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in halis ay galeen xildhibanada kala ah Cabdulaahi Goodax Barre iyo Daahir Amiin jeesow, maadaama ay ku sigteen iney baarlamaanka isku feeraan.

Xildhibaan Goodax Barre ayaa la sheegay inuu yiri “Gudoomiye Faarax C/qaadir miyaa afka kuu buuxiyay maad ogolaatid in mooshinka la meelmariyo” intaasi kadib ayaa la sheegay inuu hadlay Daahir Jeesow oo kasoo horjeeda Mooshinka.

Jeesow ayaa la sheegay isna inuu ku jawaabay “Waa ceeb yaan la aflagaadeyn gudoonka baarlamaanka” waxaana xigay iney kadib isku baxsadeen labada xildhibaan.

Waxaana ay tuureen jaakadihii ay wateen iyadoo halis ay ku galeen iney isku dhex feeraan baarlamaanka dhexdiis, balse waxaa kala dhex galay xildhibaanada kale ee ku sugnaa goobta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News