28.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Xog: Booqashada qarsan ee CC ku joogo Russia

Bookmark
Bookmarked

Share

Moscow (Caasimada Online) Waxaa safar qarsoodi ah oo aan la shaacin ku jooga magaalada Mosco ee dalka Ruushka RW CCC.

Lama oga ujeedka safarka RW iyo sababta loo qarinayo, balse diblomaasiyiin xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in aay la xiriirto in loo saxiixo dowladda Ruushka oo aad u daneyneyso in aay saldhig Millatery ka sameysato degaanada Puntland.

Wararku waxaa aay intaa ku darayaan in masuul ka tirsan Ruushka aay horay ula kulmeen Cabdwali Gaas, waxaana la sheegayaa in socdaalkan uu qeyb ka yahay heshiisyo qarsoodi ah oo lala galay Cabdiwali Gaas in RW CCC uu saxiixo in Ruushka aay saldhig millatery ka sameystaan xeebaha Puntland.

Socdaalkan ayaa waxaa uu sii kala fogeynayaa xiriirka mugdiga ku jira ee u dhexeeyo Dowladda Soomaaliya iyo waddamada reer Galbeedka ah.

Waxaa kaloo Caasimada Online loo xaqiijiyay in dowladda Ruushka aay dadaallo waaweyn ugu jirto sidii loo soo celin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Iiraan, waxaana wararku aay sheegayaan in RW CCC lagu wado in caawa uu la kulmo safiirka Iiraan u fadhiya Moscow iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iiraan Morteza Sarmadi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News