Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda QM ayaa guddi dhowr qof ka kooban u xil saartay Baaritaano la sheegay in lagu sameyn doono musiibadii ku habsatay Boqolaal Soomaali la soctay Doonyo ku degay Biyaha Miditarenian-ka.
Guddigaani ayaa la faray inay gaaran dalka Greece si macluumaad dheeri ah ay uga soo ogaadan geeridii naxdin laheyd ee ku dhacday Soomaalidaasi faraha badnaa.
Guddiga baaritaankaani loo xil saaray ayaa la kulmi doona Tirro Muhaajiriin ah oo laga bad-baadiyay dhibaatadaasi, waxaana lagu wadaa in Macluumaad waafi ah ay kasoo diyaariyaan sababta keentay Musiibada iyo gurmad la’aanta dhacday.
Howsha baarista tirooyinka dadka doontaas la socday iyo inta uu la egyahay Khasaraha dhimashada ayaa waxaa ku dhawaaqday Ariane Rummery oo ah Afhayeen u hadashay Laanta Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.
Dagista doonta ayaa sabab looga dhigay is buurasho ku dhacday Muhaajiriintii la soctay Doonyaha, taasi oo sababtay in Boqolaal ay ka hoos maraan Biyaha Badda.
Ma aha markii ugu horeysay oo musiibo ceynkaani ah ku habsato Muhaajiriin Soomaali ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

