28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Sawirro: Ciidan cusub oo kasoo degay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Uganda ayaa Ciidamo cusub usoo dirtay Somalia, kuwaasi oo ku biiri doona kuwa iminka ka howlgala Somalia.

Ciidamadaani ayaa qaarkood lagu bedeli doonaa kuwo wakhtigooda dhameystay, waxaana Ciidankaani hogaaminaaya Colonel Ronald Bigiriwa oo ah Taliyaha Kooxda 18-aad ee Ciiddanka dagaalka dalka Uganda.

Colonel Ronald Bigiriwa waxa uu ugu baaqay Ciiddanka inay la yimaadeen Dishibiliin, Feejignaan iyo Adeecid, isla markaana door weyn ka qaataan sidii Somalia loogu dabaali lahaa Nbaad iyo Deganaansho.

Bishii November ee sannadkii hore, Koox Ciiddamo ka socda Uganda ayaa dhamaystay xilligii ay Hawlgalka u joogeen Somalia, waxaana beddelay Ciiddanka Kooxda 7-aad oo uu Taliye u ahaa Colonel Bob Ogik.
1

2

3

4

5

6

7

8

- Advertisement -

Read more

Local News