Muqdisho (Caasimada Onlne) – Madaxweynaha dalka Mareykanka oo waqtigiisu sii dhamaanayo Barack Obama ayaa la weydiiyay su’aal cajiib ah oo ku saabsan dalka Soomaaliya gaar ahaan biyaha Soomaaliya oo maraakiib badan ku sugan yihiin.
Obama oo su’aalo ay weydiinayeen dadweyne badan ayaa la weydiiyay qashinka biyaha Soomaaliya ay ku daadiyaan maraakiibta ku jooga magaca la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaaliya iyo tahriibayaashii ugu dambeeyay ee ku dhintay biyaha dalka Masar.
Wuxuu Obama ka jawaabay su’aasha ku aadan qashinka badda Soomaaliya lagu shubo, wuxuuna sheegay in maraakiibta ku sugan xeebaha soomaaliya ay u joogaan iney difaacaan maraakiibta ganacsiga oo ay ka hortagaan burcad badeeda.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dowlada Muqdisho ay kala shaqeyn doonaan sidii arimahaasi loo baari lahaa, isagana uu gacan weyn ka geysan doono.
https://www.youtube.com/watch?v=qZKwCdEdGQE&feature=youtu.be

