26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog: R/W CCC iyo Jawaari oo wada qaatay kulan qarsoodi ah, CC oo la hordhigay dacwada Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in halkaasi ay kuwada kulmeen Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali oo dalka dib ugu soo laabtay iyo Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Jawaari.

Kulanka oo dhacay saacado un kadib marka uu Ra’isul wasaare Cumar nastay ayaa waxaa lasoo warinayaa in kulankaasi diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo xasaasiyad abuurtay.

Kulanka oo ahaa mid degdeg ah ayaa waxa ay labada Mas’uul uga wada hadleen Socdaalka Sharmaarke ee magaalada Moosko, Heshiisyo uu la galay Ruushka iyo Ogaansho la’aanta Dowlada safarkaasi degdega ahaa.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Jawaari uga warbixiyay socdaalkii magaalada Ankara oo uu uga qeybgalaayay shirka dalalka Islaamka kaas oo looga hadlaayey arrimaha khuseeya dalalka Islaamka gaar ahaan sida xal looga gaari lahaa khilaafyada dhex-dooda ah.

Sharmaarke ayaa sidoo kale, Guddoomiye Jawaari warbixin ka siiyay safar qarsoodi ahaa oo uu ku tegey dalka Ruushka, wuxuu sheegay in ay kulan wada qaateen Sergei Lavrov oo ay ka wada hadleen iskaashi dhex mara Ruushka iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha ciidanka.

Sharmaarke ayaa Jawaari u sheegay in Safarka Magaalada Mooska uu ahaa mid degdeg ah, islamarkaana uu ku helay Casuumaad, waxa uuna tilmaamay in Safarkaasi uusan aheyn mid wakhti uu kulumay balse ay Ruushka uga wada hadleen arrimaha Somalia iyo qaabka ugu haboon ee lagu kobcin lahaa Ciidamada Dowlada.

Jawaari ayaa Sharmaarke si hoose ugala hadlay Socdaalka Ruushka waxa uuna usoo bandhigay qeyla dhaan ka imaaday Madaxweyne Xassan taasi oo salka ku heysa degdega socdaalka Moosko waxa uuna Xassan ka dalbaday in arrintaasi wax laga weydiiyo.

Madaxweyne Xassan ayaa maalin un kadib Socdaalka Sharmaarke ee magaalada Moosko xiriir degdeg ah lasoo sameeyay Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari ayuu ka dalbaday in Sharmaarke uu wax ka weydiiyo socdaalka Moosko oo aysan waxba kala socon, waana tan keentay in Jawaari iyo Sharmaarke ay wada qaatan kulan degdeg ah.

Xassan Sheekh iyo Sharmaarke ayaa ah Musharaxiin u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia, waxa ayna taasi shaki ballaaran ka dhex abuurtay Xassan iyo Sharmaarke oo lagu heysto socdaalka magaalada Moosko ee dalka Ruusha kaasi oo aysan Dowladu kawarqabin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News