26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog: Villa Somalia oo wada qorshe cusub oo lidi ku noqon doona musharaxiinta madaxweynaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xubno ka howlgala Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxtooyada ay wado qorsho lagu xakameynaayo shirarka ka dhici doona Hoteelada magaalada Muqdisho.

Qorshahaani ayaa la sheegayaa in Madaxtooyada Somalia ay la wadaagi doonto Wasaarada arrimaha Gudaha, Amniga iyo Nabadsugida, iyadoo ujeedka ugu weyn lagu sheegay inaanu Hoteelada lagu qabankarin shirar aysan Dowlada la socon, gaar ahaan kuwa ku xiran arrimaha Siyaasadda.

Kulamada ugu adag ee Madaxtooyada Somalia ay kasoo horjeedo ayaa ah in Hoteelada lagu qabto Kulamo looga soo horjeedo Xassan Sheekh, kuwa khuseeya arrimaha Doorashada iyo kuwa lagu itaal tiraayo Xassan Sheekh ee looga soo horjeedo arrimihiisa la xiriira Doorashada fooda nagu soo heysa.

Qorshahaani ayaa marka ay isla dajiyaan Villa Somalia iyo Wasaarada arrimaha gudaha, ayaa waxaa ku howlgali doona NISA si loo hakiyo dhaqdhaqaaqyada ku aadan shirarka.

Qorshahaani ayaa culeys gaar ah ku yeelan doona Musharaxiinta la tartameysa Xassan Sheekh iyo Siyaasiyiinta u ololeyneysa Musharaxiinta kasoo horjeeda Xassan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay laga dareemayaa ololo qaabab hoose u socda, waxaana jawi mashquul galay Hoteelada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News