24.8 C
Mogadishu
Wednesday, February 11, 2026

Xog: Xasan Sheekh oo laba arrin ay ka hortaagan tahay in mar kale uu madaxweyne noqdo (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka socda ololaha doorashada dalka, kaasi oo si hoose u bilowday, waxaana soo baxaayo xogo muujinaaya in Madaxweyne Xassan ay caqabado ka hortaagan yihiin in mar kale uu noqdo Madaxweynaha dalka.

Ilo diblumaasiyiin heer Qaran iyo Heer Caalami ayaa xaqiijiyay in gaabis uu ku imaanayo rajadii laga lahaa in Madaxweyne Xassan uu mar kale qabto xilka madaxtinimo ee Somalia.

Danyel Robet oo kasoo jeeda dalka Britain kana mid ah Diblumaasiyiinta ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay ka fiirsaneyso cida noqon doonta Madaxweynaha Somalia, waxa uuna Farta ku goday in Caalamka uu doonaayo wajiyo cusub oo hanakara Siyaasad cusub.

Danyel Robet, oo u waramaayay Majalad maxali ah oo kasoo baxda dalka Britain, ayaa tilmaamay in Somalia ay Halboole u tahay Africa, balse aysan heysan qorshihii Caalamka uu u jideeyay, waxa uuna si mal-dahan u bidhaamiyay in Siyaasadda iminka ka socta Somalia, ay tahay mid u lug xiran shaqsiyaad gaar ah, taana ay sabab u tahay in Somalia loo raadiyo Madaxweyne ka hanaqaadi kara halka ay iminka taagan tahay Somalia.

Danyel Robet, ayaa arrintaasi u sababeeyay laba qodob oo uu sheegay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uusan dib usoo laaban doonin, waxa uuna ku kala sheegay:-

1-Beesha Caalamka oo dareen gaar ah ka muujisay miisaaniyada DF ay lunsatay mudada ay jirto Dowladaha hadda taagan, isaga oo bidhaamiyay in DF Somalia aan horay u qaadin wax talaabo ah sida dhismaha, Kobaca dhaqaale, Horumarka Siyaasadda iyo la jaan-qaadka Dowladaha u jilicsan taabagalinta Siyaasadda Somalia.

2-Siyaasada DF ee hadda jirta oo udub-dhexaad u noqotay mid aan gacanta ugu jirin Madaxda Soomaalida, Xiriirka Dowlada Somalia iyo Caalamka oo yaraaday sanadkii ugu danbeeyay, Khilaaf xawaare dheereeyay oo wali ka dhextaagan DF iyo Maamulada.

Danyel Robet, waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh uusan gaarin heerkii laga filaayay mudada ay Dowladiisu jirto, waxa uuna dhaliil ka muujiyay Fashilada Amaanka iyo Siyaasada oo wakhtiyadii ugu danbeeyay ahaa kuwo aan xalkooda la raadin.

Geesta kale, Mr Danyel Robet oo sheegay in muddo kooban gudaheeda uu ka qeybgalay ilaa 5 shir oo xooga lagu saaraayay arrimaha Somalia, balse aysan dhagihiisa kusoo dhicin rajo muujineysa in Siyaasada iminka ka taagan Somalia ay sii jiri doonto, isaga oo carab dhabay in Beesha Caalamka ay qabaan dhaliilo tankeeda dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News