Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxahaani oo u badan dhalinyaro ayaa waxa ay magaalada Muqdisho kawadaan Siyaasado Jahwareer ah taasi oo lagu jaan-rogaayo rajada dadka shacabka ah ay ka qabaan in dalka uu ka dhaco doorasho xor ah.
Dhalinyaradaani oo u muuqaal eg kuwo abaabulan ayaa goobaha lagu shaaho iyo Hoteelada ka wada dadaalo lagu joojinaayo Doorashada, waxa ayna maskaxda dadka ku shubayaan in xiligaani aysan suuragal aheyn in Somalia ay ka dhacdo doorasho.
Dadka goobahaasi ku sugan ayey ka dhaadhicinayaan in Somalia aysan u adkeysan karin Madaxweyne Cusub oo wakhti badan ay ku qaadaneyso inuu la qabsado Siyaasada iyo in dalka uu ka dhigo mid amni ah, waxa ayna dadka ku ababinayaan in Xassan Sheekh xilkiisa loo dhaafo, inta Madaxweyne Cusub uu imaan lahaa.
Dhalinyaradaani ayaa xiliyada qaar dadka ka dhaadhicinaaya in Madaxweynaha imaan doona uu xilka qaban doono isaga oo aan heysan dhaqaale taasina ay ku khasbeyso inuu qaato dhaqaalaha ugu horeeya ee dalka soo gala, sidaa aawgeed ay haboontahay in arrintaasi laga waantoobo.
Dhalinyaradaani ayaa u muuqaal eg kuwo ay soo adeegsatay DFS, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha gudaha, waxa uuna ujeedkooda uu yahay in dadka ay ka dhaadhiciyaan inay suuragal tahay inaan la qaban doonin doorasho.
Dadka qaar ayey ka lumiyeen rajadii aheyd in la helo Dowlad cusub oo ka duwan tan iminka jirta, waxa ayna arrinta ay wadaan dhalinyaradaani fajac ku noqotay dadka isbedel doonka ah.
Geesta kale, Jahwareerka ay Kooxahaani dhalinyarada ah ka wadaan goobaha lagu shaaho ayaa saameyn ku yeeshay Siyaasadda Muqdisho waxa ayna dadku is weydiinayaan cida wada abaabulka socda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

