25.9 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Xog cusub: Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay BAYDHABA iyo qaabkii ay u dhaceen..!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weeraro Ismiidaamin ah oo ka dhacay deegaanka Raydable oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Ragga is Qarxiyay ayaa la sheegay in da’ dooda ay u dhexeyso 20 ilaa 35 kuwaasi oo doonaayay in weerarkaasi ay la beegsadaan Xarumo muhiim ah, waxa ayna Is Qarxintooda ka danbeysay ka dib markii Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed, ay helayn macluumaadka ku aadan in 9 nin ay qaraxyo ku diyaarinaysay guryo ku yaala deegaankaasi.

Ragaasi ayaa is Qarxiyay kadib markii ay ka biyo diideen inay kasoo baxaan Xaafadda ay Qaraxyada ku diyaarinayeen iyaga oo doorbiday inay Is Qarxiyaan inta ay isku dhiibi lahaayen Ciidamada Maamulka.

Ka hor inta aysan Ragaasi is Qarxin ayaa la sheegayaa inay iska caabiyeen Ciidamada amaanka iyaga oo is Qarxiyay kadib markii ay rasaasta ka go’ day.

Taliyaha Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida Baydhabo Maxamed Isaaq Ibraahim Aflow, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan saddexdii nin ee kale ee qaraxyada la diyaarinaysay lixdii is qarxisay.

Sidoo kale, waxa uu Taliyaha cadeeyay in saddexda nin ee ay qabteen ay yihiin niman Amiiro ah, isla-markaana ay u muuqdaan kuwo iyagu diiday inay is qarxiyaan, sida uu yiri.

Qaraxyada Ismiidaaminta ahaa ayaa waxaa ku dhintay ilaa Seddex ruux oo ku sugnaa guri ku dhegnaa kan uu Qaraxyada ka dhacay, halka laba ruux oo goobtaasi ka ag dhawaana uu dhaawac soo gaaray.

Dhanka kale, Taliyaha waxa uu sheegay in weeraradaasi lala maaganaa Xarumaha maamulka, hayeeshee uusan taasi alle qadarin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News