26.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

AKHRISO 15 Qodob oo laga soo saaray shirka dib u eegista Dastuurka Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shir looga hadlaayay dib u eegista Dastuurka, waxaana soo xiray Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya, Maxamed Cumar Carte.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Dastuurka Somaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh, Gudiga la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, Guddiga madaxa bannaan ee Dasturka iyo qaybaha Bulshada iyadoo laga soo saaray Qodobada soo socda:-

1-Waxaa si taxadar leh hoosta looga xariiqey in dib-u-eegista dastuurka iyo holwaha lagu wacyi galinayo Shacabka Soomaaliyeed noqoto mid ay hogaanka u hayaan Soomaalida si dastuurku u noqdo mid Soomaali leedahay.

2-In Wasaaradda Arimaha Dastuurka, Guddiga La socodka Baarlamaanka ee Dib-u-Eegista Dastuurka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegista iyo Hergelinta Dastuurka iyo Bulshada Rayidka ah ay ka wada-shaqeeyaan sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

3-Kulankan waxa uu hoosta ka xariiqayaa in la tixgeliyo Xauquuqda siyaasadeed ee Haweenka Soomaaliyeed.

4-Si loo helo kaadariin aqoon u leh baahinta dastuurka, waa in la tababaraa dad isugu jiro qaybaha kala duwan ee bulshada sida: haweenka, dhalinyarada, odayaasha-dhaqanka, culuma’udiinka, naafada iyo siyaasiyiinta.

5-Dastuurku waa in lagu qoraa Afka Soomaaliga, isla markaana uu wato sharaxaad si ay u sahasho in shacabka Soomaaliyeed uu si aad ah uga haqab beelo fahamkiisa.

6-Waa in ay hay’adaha dastuuriga ee dowladda federaalka ah ay ka tala-galiyaan ururada bulshada rayidka fariimaha lagu baahinayo aaladaha warfaafinta si looga hortago in uu dhasho ama abuurmo dareen dhib u keeni kara geedi-cosdka dib-u-eegista dastuurka.

7-Qaybaha ugu culus dib-u-eegista dastuurka waa arimaha quseeya siyaasadda, sidaas darteed waa in la qabto kulamo balaaran (town hall meetings) oo ay qayb ka yihiin urrurada Bulshada Rayidka ah oo lagu soo Bandhigayo qodobada siyaasadeed ee dastuurka iyo arrimaha xasaasiga. ah.

8-In bulshada rayidka ah, gaar ahaan ururada qaabaysan, ay noqdaan codkii u hadli lahaa dadweynaha.

9-In la isticmaalo aaladaha warfaafinata ee kala duwan ee maqalka, muuqaalka iyo internetka (social media) si ay dadweynuhu u fahmaan dastuurkooda

10-In fariimaha la gudbinayo loo adeegsado suugaanta laguna saleeyo dhaqanka Soomaaliyeed ee deegaankaas

11-Waan in bulshadda baahida gaarka ah leh sida naafadda muuqata iyo tan aan muuqan lagu tixgaliyo baahida ay qabaan isla markaana xuquudooda la sugo.

12-Hay’adaha caalamiga ah ee doonayo in ay caawiyaan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Gobaleedyadda iyo shacabka Soomaliyeed waa in ay mideeyaan xoogooda, taladooda, xiriirintooda, isla markaana ay si joogta ah ula shaqeeyaan kana tala qaataan hay’adaha dastuuriga ah ee u xilsaaran geedi- socodka dib-u-eegista dastuurka.

13-Maamuladda dalka ka jiraa waan in ay door muhim ah laga siiyo wadatshiga, dib–u-eegista iyo faafinta dastuurka.

14-Waxaan soo Dhowaynaynaa Shirweynaha Qaran ee Dib u eegista Dastuurka oo la isku raacay in Garoowe lagu qabto 25 May 2016, waxaan ka codsanaynaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in si weyn loo tixgeliyo ka qaybgelinta urrurada Bulshada Rayidka ah Shirweynaha Qaran.

15-Si loo sahlo wadashaqaynta Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Urrurada Bulshadu Rayidka waa in la joogteeyaa kulamada noocan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News