Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirkii dhawaan madaxweynaha Galmudug uu xil ka qaadista ku sameeyay Maxamed Cilmi Afrax. ayaa warbaahinta isaga oo la hadlayay wuxuu arin lala yaabo ku tilmaamay iyada oo an lagu wargelin in xilka laga qaado.
Wasiirka ayaa sheegay ineysan jirin xiriir ah oo lala sameeyay markii xilka laga qaadayay, xitaa aysan jirin in lagu wargeliyay in xilka laga qaaday oo kaliya oo warbaahinta uu arkay, wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay arintaasi.
“Xil la’iska qaadaahi wax dhab ah malaha, laakiin waxaa wax layaab leh ayadoo xiriirkeyga la haayo, lana haayo meelihii fariimaha la’igu soo diri jiray (Emailkeyga la haayo), oo Wasaaraddii aan joogay Email ay leedahay, in wixii aan suuqa ka maqlo oo Websiteyada la soo dhigo. Arrintaasi maaha arrin ku saleysan Maamul wanaag.” Ayuu yiri Wasiirkii Qorshaynta Galmudug.
“Waxay muujinaysaa arrintaasi arrin aad u liidata oo xeerarka shaqadana ka horimaanaysa. Marka midaasaa layaabay, yacni warqadaha Websiteyada la geliyay, laakiin aniga in xil la’iga qaado lama yaabi karo.” Ayuu yiri isagoo wareysi siinaayay warbaahinta.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in dhawaan uu filayay in baarlamaanka mamulka Galmudug uu horkeeyo warbixino la xiriira waxyaabaha u qabsoomay wasaaradiisa, balse aan lala sugin oo xilka laga qaaday iyadoo uusan gudbin xogtii la xiriirtay wasaarada uu madaxda ka ahaa.
“Waxaan kaloo runtii ayadana yaab igu noqotay, iyadoo aan xog badan haayay, warbixin badana haayay Baarlamaanka Galmudug-na uu ii heelanaa, ina sugaayay, isla-markaana aan rabay warbixinta inaan dhiibo wixii qabsoomay, wixii qabsoomi waayay, wixii ay u qabsoomi waayeen, caqabadaha jira iyo fursadaha jiraba, oo 10 bilood soo shaqaynaayay, xog badana aan haayay, in la sugi waayay xitaa, haddii wax la qaadaayo xogtaa la dhageysto ay ahayd. Marka xooggaa waxaan layaabay sida wax looga deg degay, deg deggaa layaabay.” Ayuu yiri Maxamed Cilmi Afrax.
Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
[email protected]

