Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo magaalada Muqdisho uga qeybgalaayay munaasabad Tababar loogu soo xiraayay Ciidamo ka tirsan Booliska oo tababarkooda dhameystay.
Jen. Maxamed Sheekh Xasan, ayaa halkaasi ka sheegay inuu jeclaan lahaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhamaaneysa badaha ay kusoo biiraan Ciidamada Booliska, waxa uuna ku baaqay in dhalinyaradaasi Tahriibka ah ay kusoo biiraan Booliska.
Waxa uu munaasabada ka sheegay inuu ogyahay in inta badan dhalinyarada Tahriibeysa ay ku jiraan kuwo ka baxay Iskuulo iyo Jaamacado, sidaa aawgeed ay wanaagsanaan laheyd inay kusoo biiraan Booliska, si ay u difaacaan dalkooda.
Sidoo kale, Jen. Maxamed Sheekh Xasan, ayaa Ciidamada Tababarka dhameystay ugu baaqay inaysan dhigin mas’uuliyadii saarneyd waxa uuna ku baaqay in har iyo habeen loo soo jeedo ka difaacida dalka waxa uu ugu yeeray Cadowga dalka.








