28.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Xog: Sababta Gaas uu ugu noq-noqanayo Addis

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online)- Madaxweynaha Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas oo si weyn loogu tiriyo inuu xiriirdhow la leeyahay dowlada Ethiopia ayaa noqday mid isaga daba laalaabta tagitaanka magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

C/welli Gaas ayaa markii afaraad muddo maalmo gudahood ah tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. waxaana la ogeyn ujeedada ka dambeysa inuu ku laabto markle magaalada Addis Ababa oo uu ka maqnaa wax ka yar 10 maalmood.

Wararka ay soo saareen madaxtooyada Puntland ayaa kaliya lagu sheegay in safarka C/welli Gaas ee Addis Ababa yahay inuu kaga qeyb galayo shirar kala duwan, kuwaasi oo aan la shaacin waxay yihiin iyo waxay ku saabsan yihiin.

50 Maalin gudahood ayuu tagay magaalada Addis Ababa ku dhawaad afar jeer, waxaana uu tagaa magaalada Addis Ababa mar walbaa oo ay hishiis galaan dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland ama mar walbaa oo ay is qabtaan madaxda Dowlada Soomaaliya.

C/welli Gaas oo maalmo ka hor ka tagay magaalada Addis Ababa ayaa tagay Sacuudiga wuxuuna kula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxaana uu ku laabtay Addis isaga oo laga sugayo magaalada Boosaaso.

Waxaa Ethiopia sidaasi si lamid ah ku laalaabta madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Jigjiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News