Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faraha kasii baxaaya xad-gudubyada ay Ciidamada Dowlada ku hayaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.
Saraakiisha iyo Ciidamada qaar ayaa ka hantiyay xadgudubyo loo geysto Hanti shacab iyo mida guudba mana jirto cid arrintaasi kala xisaabtanta.
Jaylaani Cali Kadiye oo horay u ahaan jiray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa cabasho ka keenay xadgudub lagu sameeyay hooygiisa oo ku yaalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Jaylaani Cali Kadiye, waxa uu sheegay in DFS ay amar ku bixisay in la burburiyo Guryo uu ku lahaa Degmada Hodan kaasi oo meesha ku yiilay tan iyo Dowladii Dhexe.
Waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Dowlada ay ku xadgudbeen Hoygiisa, waxa uuna carab dhabay in gabi ahaan dhulka la dhigay Gurigiisa oo ku yiilay kasoo horjeedka Xaruntii hore ee Ciidamada Asluubta ee Degmada Hodan.
Jaylaani Cali Kadiye, waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in Burburinta sharci darada ah uu kala hadlay Saraakiil ka tirsan Dowlada balse lagu wargaliyay in burburinta gurigaasi ay aheyd mid ku dhacday qaab khaldan.
Jaylaani Cali Kadiye, oo xadgudub muuqda lagu sameeyay waxa uu Dowlada ka dalbaday in loo dhiso hooygiisa, balse nasiib darro ma uusan helin wax jawaab ah.
DFS ayaa xiliyada qaar ku kacda falal sharci darro cad taasi oo inta badan dadka shacabka ah ay u fasirtaan in dalka aysan ka jirin wax Cadaalad ah.














