Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kula dardaarmay wasiirada ku socda gaadiidka qaaliga ah iney iska iibiyaan oo ay ku dhistaan wasaaradaha ay ka shaqeeyaan, sida uu sheegay.
Xasan Sheikh oo ka hadlay xuska kowda May ayaa soo dhaweeyay wasaarada shaqada iyo shaqaalaha oo masuuliyiinta ka shaqeeya wax wanaagsan ay sameeyeen kadib markii ay iyaga dayactir ku sameeyeen dhismaha wasaarada.
Wasiirada kale ee ka tirsan xukuumada ayuu sheegay in iyagana laga doonaya iney ku daydaan wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee xukuumada Soomaaliya oo dib u dhis ku sameeyaan wasaaradahooda.
Wuxuu sheegay madaxweynaha in wasiirada ay ku socdaan gaadiid qaali ah oo aysan xabada karin, laakiin muhiim ay tahay iney dib u dhisaan halka ay ku shaqeyn lahaayeen.
Dowlada Soomaaliya ayaa inta badan masuuliyiintooda waxaysan ku shaqeyn wasaaradaha iyo xarumaha la doonayay iney ku shaqeeyaan, sida uu horey u sheegay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ra’iisul wasaare hore.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

