26.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Keating: Xasan iyo CC ayaan la xisaabtameynaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu baajin doono doorashada la filaayo in dabayaaqada sanadkaani ay ka dhacdo Somalia.

Michael Keating, waxa uu sheegay in Beesha Caalamka ay DFS ay xili hore wada gaaren Heshiis dhigaaya in doorashada Soomaaliya aysan wakhtigeeda ka dib dhicin, waxa uuna Michael Keating ka digay wararka leysla dhexmaraaya ee ah in Xassan Sheekh uu ka caga jiidaayo doorasho ka dhacda Somalia.

Michael Keating, waxa uu tilmaamay in dib u dhac waliba oo ku imaada Doorashada loo hanqal taagaayo ay kula xisaabtami doonaan Xassan Sheekh, Sharmaarke iyo Guddoomiyaha BFS, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Michael Keating, waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in Caalamka oo idil uu ka dhowr sugaayo doorasho guul laga gaara oo ka dhacda Somalia, hayeeshee ay arrin musiibo ah noqon doonto waa haddii ay DFS laqdabeyso Heshiisyadii dhowrka waji lahaa ee ka kala dhacay Gudaha iyo Dibada.

Michael Keating, waxa uu sheegay in Beesha Caalamka ay ku qanceyso kaliya Somalia oo ay ka dhacdo doorasho, waxa uuna ka digay hamiga ku aadan in la dib dhigo doorashada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayuu ugu baaqay inuu ka dhabeeyo axdigii uu la galay Beesha Caalamka iyo Maamulada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News