Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada BFS ayaa shaki ka muujiyay Xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf oo uu xilka ka qaaday Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan BFS, ayaa sheegtay in sharci ahaan ay qalad tahay in Xassan Sheekh uu xil ka qaadis ku sameeyo Ilka-xanaf, balse waxa ay arrintaasi ku sheegtay mid sahleysa kala dirista BFS.
Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in go’aanka Xassan Sheekh uu xilka uga qaaday Ilka-xanaf ay walaac gaar ah ka muujineyso, iyada oo carab dhabtay in Baarlamaanka uusan sidaan isugu sii xirnaan doonin mudada yar ee u harsan.
Iyada oo xil ka qaadista ka hadleysay ayay tiri “ Garsoorka in Digreeto lagu kala diro, waxa ay sahleysaa in Baarlamaanka si fudud loo kala diro”
Waxa ay sidoo kale tilmaantay in shaqsi ahaanteeda aysan u muuqan qorsho ay Xildhibaanada BFS kusii wadi karaan howlaha horyaala marba haddii Garsoorka loo adeegsanaayo qaab fowdo ah.
Haddalka Khadiijo ayaa kusoo beegmaaya xili maalinimadii shalay aheyd uu Madxaweyne Xassan Digreeto xilka uga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Mudane Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

