Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maali nimadii shalay aheyd uu Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud xil ka qadis ku sameeyay Gudoomiyihii Maxkamadda Sare Dalka, Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, ayaa waxaa xil ka qaadistaasi ka hadlay Ilka Xanaf.
Ilka Xanaf, waxa uu sheegay in xil ka qaadistiisa loo maray wado khaldan islamarkaana uusan waxba ka ogeyn.
Isaga oo la hadlaayay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga ayuu waxa uu Ilka-xanaf sheegay inay tahay ayaan darro, waxa uuna ka gaabsaday in faahfaahino dheeraad ah uu ka bixiyo xil ka qaadistiisa, marka laga soo taggo inaanan lagu soo wargelin.
Ilka-xanaf waxa uu tilmaamay in sharci ahaan ay xilka ka qaadi karaan kaliya Guddiga Adeega Garsoorka, marka ay si buuxdo u soo dhisto Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, iyadoo sida uu xilligaa ka dhawaajiyay aanay jirin cid kale oo xilkaasi ka qaadi karta.
Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in talaabo waliba ay DFS u marto qaab sharci darro ah, isaga oo farta ku fiiqa in Somalia ay u baahan tahay in waxbadan laga ogaado Siyaasadeeda.
Dhanka kale, Ilka-xanaf ayaa xil ka qaadistiisa loo cuskaday da’diisa oo ka wayn 65 sano, musuq maasuq iyo cadaalad darro uu ku sameeyay kiisaskii uu qaaday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

