26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Barlamanka oo la isugu yeeray kulan degdeg ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in goor dhow xarunta Baarlamaanka Somalia uu ka dhici doono kulan degdeg ah oo la doonaayo in looga arrinsado xil ka qaadistii uu ku dhaqaaqay madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Kulanka Xildhibaanada ayaa salka ku haya xilka qaadistii shalay madaxweynaha Somalia uu ku sameeyay Ceydiid Ilka-xanaf, iyadoo xilkaasina uu u magaacabay Ibraahim Iidle Suleymaan oo ha gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka.

Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa horey u soo noqday Garyaqaanka Guud ee maamulka Soomaaliland.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay waxa ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka, iyadoo ay kaga doodeen hanaanka doorasho ee dalka 2016.

Ma cadda go’aanka ay Xildhibaanada ka gaari doonaan magacaabida Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare.

HOOS KA AKHRISO WARGALINTA XALAY LOO KALA DIRAY XILDHIBAANADA:-
WARGALIN

- Advertisement -

Read more

Local News