28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Daawo Sawirro Haweeney muddo 6 cisho kadib laga soo hoos saaray dabaq kusoo dumay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dhacdadaani ayaa waxa ay ka dhacday Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kadib markii Ciidamada gurmadka ay guri dumay hoostii kasoo saaren Haweeney muddo lix cisho ku hoos jirtay gurigaasi.

Dhismaha laga soo hoos saaray haweeneydaasi, ayaa ahaa dhismo lix dabaq ka koobnaa, kaasi oo ay ku hoos baaba’een dad aad u badan.

Hay’adda Bisha Cas Kenya, ayaa sheegtay inay haweeneydan noqonayso qofkii ugu horeeyay, ee Khamiistan laga soo saaro burburka hoostiisa, afartii qof ee maanta nolosha lagu soo badbaadiyay.

Haweeneydan, ayaa waxaa la sheegay in neef iyo nafaqaba lagu siiyay faleebo, markii ay burburka ka soo saareen kooxaha gurmadka. Waxaa haweeneydaasi ka muuqanaayay diif iyo itaal xumo.

36 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay dhismaha burburay maalintii Jimcaha, iyadoo la la’yahay 80 ruux oo kale.
musiibo1

musiibo2

musiibo3

musiibo4

musiibo5

musiibo6

musiibo7

musiibo8

musiibo9

musiibo10

- Advertisement -

Read more

Local News