Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, Faysal Cali Waraabo, ayaa sifo ka bixiyay Siyaasada Pro Samatar tan iyo markii ay xarun u aheyd magaalada Muqdisho ee uu aaminsanaa Somali-weyn.
Feysal Cali ayaa sheegay in Pro Samatar uu xili hore baadiyooway, waxa uuna tilmaamay in goortii ay xarunta u aheyd Muqdisho uu ahaa nin mar waliba la yaabi jiray balse markii danbe u aqoonsaday inuu yahay nin lumiyay jiritaankiisa.
Feysal waxa uu sheegay in Pro Samatar uu lamid yahay nin Diinta Islaamka ka Baxay Barigii uu Somaliya tagay, balse iminka ay u fahmeen inuu kusoo laabtay Diinta maadaama uu dib ula laabtay kalsoonidii aheyd dib usoo celinta Somali-weyn.
Waxa uu sheegay in iminka ay dhibta ku danbeyso kuwii kasoo irdhoobay Axmed Siilaanyo ee xilalka ka haya DFS.
Waxa uu tilmaamay in Somaliland xiligaani aysan u baahneyn kuwaasi , balse ay iyaga un u baahnaan doonaan wakhtiga dhaw, islamarkaana ay ku adkaan doonto inay kusoo laabtaan dhulka Somaliland.
Kuwa xilalka u raadinaaya dhanka DFS ayuu rajo xumi ka muujiyay, balse waxa uu iminka qiray in dhamaan looga gacan haatinaayo magaalada Muqdisho.
Haddalka Feysal Cali waraabe waxa uu imaanayaa maalin un ka hor markii Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu Ibraahim Iidle Suleymaan u magacaabay Gudoomiyaha cusub Maxkamadda Sare Dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

