29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa MUQDISHO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay agagaarka xarunta ciidamada ilaalada waddooyinka ee Visha Taraafiko ee degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa xoogiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka banaadir, waxaana uu dhacay abaaro 08 subaxnimo oo daqiiqado dhiman.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in qaraxa saaka uu sababay dhimashada ku dhawaad 5 ruux iyo dhaawaca inka badan 10 ruux.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana la dhex dhigay xarunta dhexdeeda, iyadoo la sheegayo in dadka dhintay ay ahaayeen kuwo maqaayad ku wada sugnaa.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku dhow safaarada iyo isbitaalka dowlada Imaaraatka carabta ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News