25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawirro muujinaaya Yoweri Museveni loo caleemasaaray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa waxaa maanta loo caleemo saaray xilka madaxtinimada ee dalkaasi, ka dib markii la sheegay inuu ku soo baxay doorashada madaxtinimada ee bishii February ka dhacday dalkaasi.

Museveni ayaa bishii April ee Sanadkan uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalkaasi.

Xafladda caleema saarka Musevani ayaa ka dhacday Garoonka Ciyaaraha ee Kampala, waxaana ka qeyb galay madax fara badan oo ka socota waddamada caalamka oo ay kamid ahaayen:-

1-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

2-Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.

3-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

4-Madaxweynaha Tanzania John Magufuli.

5-Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir.

6-Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe.

7-Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo

8-Madaxweynaha Niger Maxamed Mahamadou Issa Yofouf.

Madaxweynaha, ayaa ballanqaaday in si hufan uu ku hogaamin doono Uganda, mudada uu xafiiska shaqada jooggo, isla-markaana uu u cadaalad fali doono dadkiisa.

Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday in horumar wayn uu ku hogaamin doono dalka, si lamid ah horumarkii ballaarnaa ee horay uu ugu soo hogaamiyay 29-kii sano, ee uu joogay xafiiska.

Wadamada reer galbeedka qaarkood, ayaa waxay saluugeen doorashada la sheegay inuu ku guuleystay Madaxweyne Museveni.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
musaveni1

musaveni2

musaveni3

musaveni4

musaveni5

musaveni6

musaveni7

musaveni8

musaveni9

- Advertisement -

Read more

Local News