25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Caasimada Online oo heshay liiska wasiirada Axmed Madoobe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa lagu wadaa in gudaha Asbuucaani uu ku dhawaaqo Xukuumadiisa cusub.

Xukuumada cusub ayaa isugu jiri doonta kuwo cusub iyo kuwo hore oo soo laaban doona.

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in Axmed Madoobe uu dhameystiray la tashiyada waxaana kamid noqon doona mas’uuliyiinta uu magacaabi dooono iyo kuwa soo laaban doona:

QAAR KAMID AH LIISKA WASIIRADA CUSUB EE JUBBALAND

1-Aadan inshaar – Waxa uu Xukuumada kasoo gali doonaa dhanka Beesha Kuumade.

2-Maxamuud Sayid Aadan – Waxa uu xukuumada cusub kasoo gali doonaa dhanka Beesha Mareexaan.

3-Cabdi Cali Raage – Waxa uu dhanka Xukuumada Jubbaland kasoo gali doonaa dhanka Beesha Ogaaden.

4-Axmed C/risaaq Maxamed – Waxa uu Xukuumada Cusub ee Jubbaland uu kasoo gali doonaa dhanka Beesha Majeerteen.

5-Sheekh Maxamed Aw-libaax – Waxa uu Xukuumada kasoo gali doonaa dhanka Beesha Mareexaan.

6-Cusmaan Xusein Fayruus – Waxa uu xukuumada kasoo gali doonaa dhanka Beesha Jareer-weyne.

WASIIRADII HORE EE XUKUUMADA WAXAA KASOO LAABAN DOONA:

1-Ibraahim Cabdi Xassan – Waxa uu Xukuumada kasoo gali doonaa dhanka Beesha Dir, Biyo-maal.

2-Maxamed Warsame Darwiish – Waxa uu kasoo galaa dhanka Beesha Harti.

3-C/nuur Cali Aadan – Waxa uu mar kale dhanka Xukuumada kasoo gali doonaa dhanka Beesha Gaaljecel.

4-Maxamed Ibraahim Maxamed – Waxa uu xukuumada mar kale kasoo gali doonaa dhanka Ogaden.

5-Maxamed Sheekh Yuusuf – Waxa uu dhanka xukuumada kasoo gali doonaa dhanka Beesha Cowrmale.

FG. Waxaa mar waliba suuragal noqon karta in Madaxweynaha maamulka uu Liiskaani ku sameeyo isbedel maadaama wada tashiga uu wali socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News