27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Qarax goordhow ruxay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxaani oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay wadada warshadaha, gaar ahaan Nawaaxiga Warshada Biyaha Caafi ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa lagu weeraray Mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah, iyadoo Khasaaraha ka dhashay Mootadaasi uu yahay ilaa 3 ruux oo dhaawac ah.

Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa kamid ahaa Darawalka iyo laba ruux oo isaga la saarneyd Mootada.

Mid kamid ah dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa laga deyrinayaa xaaladiisa Caafimaad, kadib markii gabi ahaantiisa uu Qaraxa jarjaray.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ka bilaabay howlgallo amaanka lagu xaqiijinayay, inkastoo aan weli la soo sheegin hadii ay jiraan Dad loo soo qab qabtay Qaraxaasi.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaasi maanta ka dhacay wadada warshadaha, gaar ahaan Nawaaxiga Warshada Biyaha Caafi ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News