26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Tarsan oo shaaciyey arrin uu Somalia ka damacsan yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Casimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo wareysi xiiso badan bixiyay ayaa kaga hadlay waxyaabaha uu ka doonayo dalka Soomaaliya haddii uu qabto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Gudoomiye Tarsan wuxuu sheegay inuu doonayo dalka Soomaaliya oo lagu soo celiyaa sidiisii hore, isaga oo ula jeeday sharafta iyokaraamadii uu lahaa wadanka Soomaaliya.

Waxyaabaha kale ee uu sheegay inuu doonayo Tarsan ayaa wuxuu ku sheegay iney tahay in daawo loo helaa dadka Soomaaliyeed ee cudurada macno darada isaga dhimaya, sida uu hadalka u dhigay.

“Anigu waxaan rabaa wadankan in is bedel lagu sameeyo, wadankan waxaan rabnaa sharafkiisii iyo karaamadiisii in la soo celiyo. Waxaan rabnaa shacabkan dulman ee 25-ka sano dusha laga fuushan yahay, ee waxaanan u shaqayneynin iyo dadka aan u adeegeynin ee dusha ka saaran inaan ka qaadno, shacabkana loo shaqeeyo.” Ayuu yiri Hogaamiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay inuu doonayo in laga shaqeeyaa sidii caruurta Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho marka ay gaaraan da’da waxbarashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News