Ayadoo ay suuqa BOX-ka laga fiirsada TV satellite / cable ay isku haystaan shirkaddo Chinese ah oo ayagu BOX-ka dadka wax ugu shuba kadibna subscription ka qaado ayaa hada waxaa loo gudbay in Box-ka lagaba maarmay iyadoo ay suuqa isku hirdinayaan shirkadda waaweyn sida Amazon , Google ama Apple oo toos u qaata APP’s xambaarsan wax BOX ku jira wax ka badan, taas oo keentay in ay ayaga suuqaan dhamaantiis la wareegaan seddax arimood daraadeed:
- Box- ka aan naqaaney ee Chine laga keeno waa mid aan hayn wax ka baxsan waxa uu qofka leh kuugu soo shubay (Chinese supplier ama Mulkiilaha) oo markaas aad adiga waxna ku dari karin waxna ka saari karin
- Awoodda uu wax ku gudbinaya oo aaad looga tagay
- Qiimaha lagu gato oo 70% laga hoos maray ( tusaale : Amazon Fire Stick $39.99 ama Roku $39.99 new / $19.99 used)
Waxaa hada markii ugu horeeysay marka macquul noqatay in aad Dish ama Cable aad iskaba jari karto dhamaantiis adigoo hadana fiirsan kara channalada Somaliga, Sports iyo kuwa wadanka aad joogtaba adigoo isticmaalaya mid kamid ah ‘Sticks’ aan kor ku soo sheegnay kadibna kudarsanaya engine-ka aad rabto oo free ah ( Tusaale: Kodi).
Hadaba waxaan aad u raadiyay bal inaan helo APP’s Somali ah anigoo isticmaalaya Amazon Fire Stick oo aan waliba ku iibsady qiima markaas jabnaa oo ahaa $22.50 – Raadin dheer kadib waxaan ka dhex halay App la yiraahdo Aaran TV ( www.aarantv.com) , kaasii oo runtii i siiyay waxii iga dhinaa oo ahaa sports, Islamic channels iyo Somaliga oo aan ka gatay website kooda qiima dhan $99. Qaab ahaan waa uu ka dawan yahay waxii hore aan u arki jirnay, balse aniga ahaanteey waxuu igula muuqday waxii aan raadinaayay iyo qiimahii aan wax ku raadinaayay mid buuxiyay.
Waa kan sida website kale oo ka faalooda IPTV uu qoray mar uu isku bar-bar dhigaayay Aaran TV iyo Box-ka caadiga ah ee hore u naqaanay
Aaran TV + Stick | Others + Box | |
Price | $145 | $250 – $350 |
Features | ||
Voice Search | v | |
HDMI Video Out | v | v |
Certified Dolby Digital Plus | v | |
Optocal Audio out | v | v |
Processor | Quad-Core | Single – Core |
Memory | 2GB | 512 MB |
Ethernet – Wired connectivity | v | v |
WI-FI | v | v |
Remote with no line | v | |
Kodi Side Loaded – 2000 + channels | v | |
Apps available | Amazon Fire stick – Roku – Apple | Android custom made Box |
Broadcast Channels | v |
Marka qofkii wax kagadanaya waxaa aad ugu wanaagsan kuwaan dambe ( sida Amazon Fire Stick) si uu waxuu rabana ugu darsado waxuu rabana uga saara – Tusaale markaan meesha raadinta galiyay “University’ wxaa ku soo uga yaraan ilaa 100 jaamacadood oo aad cashar uga qaadan karto sida kale markaad “free games” galiso waxaa kuu soo baxaya games badan oo free ah oo aad adiga uga doorti karto midkaad rabto ilamahaaga. Waxaa kaloo uu leeyahay Parental control ama meel aad ka xaqiijiso waxa ay ilamaha fiirsanayaan in aad adiga ku so dari karta.
Sidoo kale waxaa jira dhowr apps oo free ah oo aad Somaliga ka heli karto balse sida caadada ah waxaa dhex socdo xayeeysiin waliba mararka qaar aad ku arkeeyso waxyaabo anshaxa ka fog oo si lama filaan u soo gala.
Ugu dambeeyntii waxaa ila haboonaatay inaan hoos ku qoro sida aad uu ibsan karto Aaran Tv apps:
Waxii faah-faahin ah eek u saabsan qoraalkaan fadlan kala soo xariir qoraaqa:
W/Q: Osman Jama