26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Video: Shaqada Jeneral Gabre ee Soomaaliya oo la shaaciyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa is weydiiya shaqadaha Jeneraalka Ethiopian-ka ah ee Gabre Heard uu ka qabto dalka Soomaaliya maadaama uu kasoo muuqday goobo badan oo Soomaali lagu dhex dhexaadinayo, balse arrintaasi waxaa ka jawaabay IGAD.

Maxamed Cabdi Afeey wakiilka IGAD ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay waxyaabaha keenay in Jeneraal Gabre ku sugnaado Soomaaliya uuna kamid noqdo dadka dhex dhexaadiyo dadka Soomaaliyeed ee marar badan is qabtay.

Afeey, wuxuu sheegay in Jeneraal Gabre uu yahay xubin ka tirsan xafiiska IGAD ee Soomaaliya uuna ka qeyb qaato fududeynta howlha xafiiska IGAD ee Soomaaliya, sida uu sheegay Afeey.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney doonayaan haddii IGAD ay yihiin dowlad Soomaaliyeed oo ka hana qaada dalka Soomaaliya , sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka daawo wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News