25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Ethiopia oo burburinta heshiiskii madasha ku cadaadineysa P/land

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ku dhow dhow Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa inoo xaqiijiyay in Dowlada ethiopia ay ka shaqeyneyso qaabkii lagu burburin lahaa Heshiiska wadatashiga ee dhawaan magaalada Muqdisho ay kuwada galeen DF iyo maamulada dalka.

Siyaasiyiintaani oo siyaabo kala duwan xilal uga soo qabtay maamulka Puntland, ayaa sheegay in Dowlada ethiopia ay iminka C/wali Gaas ku cadaadineyso inuu laalo Heshiiska.

Sababta ugu weyn ee Gaas loogu cadaadinaayo ayaa lagu sheegay in DF ay maamulada dalka u maleegeyso qorshooyin ka dhan ah Heshiiska.

Dowlada ethiopia ayaa laalida Heshiiskaasi ku dooneyso in garwadeen ay ka noqoto isu keenida labada dhan, si DF ay ethiopia ugu qanciso xilal lala doonaayo shaqsiyaad ay wadato.

Siyaasada ay ku shaqeyso Puntland ayaa ah inay hirgaliso rabitaanka ethiopia ee ku aadan Somalia, waxa ayna ethiopia baahiyaheeda u adeegsataa maamulada dalka.

Arrintaani waxa ay imaaneysaa iyadoo durbadiiba Puntland ay BFS ku eedeysay faragalinta Heshiiska, taa oo qeyb ka noqoneyso carqaladeynta Heshiiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News