Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xilka laga qaadayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Fartaag oo muddo badan hayay xilkaasi.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Fartaag lagu badalayo Maxamuud Sayid Aadan oo maanta tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo durba loo gudbiyay madaxtooyada maamulka Jubbaland oo maalmahaan ay ka socotay qabanqaabada magacaabida wasiirada Jubbaland.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Maxamuud Sayid Aadan la doonayo in laga dhigo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, waxaana meesha ka baxaya Lugadheere iyo Fartaag oo madaxweyne ku xigeenyaal ahaa, sida uu qabo dastuurka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqo golaha wasiirada maamulkiisa, maadaama muddo bilooyin ah laga sugayay, isagana uu sheegay inuu la tashanayo beelaha kala duwan ee Jubbaland.
Golaha wasiirada ayaa waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan iney kasoo muuqan doonaan dad ku cusub siyaasada deegaanada Jubbaland iyo siyaasiyiin si weyn looga yaqaano deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]