Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhawaan uu dib u furmo shirka wada xaajoodka qabyada u ahaa Dowlada Somalia iyo Maamulka Somaliland.
Dowlada Somalia ayaa sheegtay in shirka uu dib u furmi doono maalmaha soo socda gudaheeda waxa ayna tilmaantay in furitaanka shirkaasi uu kusoo beegmi doono 31-ka bishan May ee aynu ku jirno.
Shirkaani oo ka dhici doona Dalka Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ahaan doona wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo dhex dhexaad ka noqon doona isu soo dhaweynta labada dhinac.
Maamulka Somaliland ayaa goor sii horeysay shaaca ka qaaday inay ka go’een Somali inteeda kale, waxaana go’aankaasi barbar socda go’aan kale oo ay DFS ku dooneyso inay ku burburiso hamiga ay Somaliland kaga go’eyso Somalia.
Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan mar kale la midoobi doonin Soomaaliya, ayna yihiin dal madax-bannaan oo jaar la ah Somalia, iyadoo madaxda Somaliland ay sheegeen in Gooni-isku-taagooda uu yahay mid ku dhashay go’aan Shacab.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo ka hadlay Wada-hadallada ay kula jiraan Somalia ayaa yiri. “Ujeeddada aan ka leennahay Wada-hadallada aan kula jirno Soomaaliya waa inaan gaarno xal siyaasadeed oo ah sidii laba waddan oo jaar ah.”
Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Carte ayaa sheegay in DFS aysan ka quusan doonin wada-hadalka ilaa laga qanciyo Somaliland go’aankeeda.
Carte waxa uu rajo ka muujiyay qabsoomida shirka la filaayo in mar kale uu dib u furmo Taariikhdu marka ay tahay 31-ka May, waxa uuna sheegay in guul laga gaari doono shirka.
Ma cadda natiijada kasoo bixi doonto shirka, inkastoo Somaliland ay u muuqato mid kasoo dabceyso ad adeegii hore.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

