28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Digniinta iyo caga-jugleynta PUNTLAND oo sii korortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ka dhawaajiyay hadal adkeynaya qoraal kasoo baxay Puntland oo looga hadlayay howlo horyaala baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, oo kamid ah baarlamaanka Puntland ayaa shaaciyay in baarlamaanka Soomaaliya aysan xaq u laheyn wax ka badalka hishiisyadii ka dhacay Muqdisho iyo Garowe.

Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in horey hishiisyo rasmi ah loo gaaray oo lagu gaarayo hanaanka doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya, laakiin xildhibaanada baarlamaanka aysan sameyn karin iney wax ka badalaan hishiisyadii la gaaray.

“Heshiiskii ugu dambeeyay ee bishii 4aad Xamar kasoo baxay oo shaxda doorashada iyo nidaamka doorashada lagu gaareyna baarlamaanku waxa uu ku lahaa qodob iney ayidaan, taa macneheedu ma ahayn in uu yahay baarlamaanku hay’ad u harsaneyd oo xaq u lahayd iney dib u eegis ku sameyso oo wax ka bedesho waxna ku darto, wakiiladooduna way fadhiyeen go’aanada madasha laga soo saareyna guddoomiyahooda oo baarlamaanka federaalka ku fadhiya ayaa wax ka soo saarayay”.

Waxa uu xidhibaanku hoosta ka xariiqay in baarlamaanku uu qeyb ka ahaa heshiiskii madasha guddoomiyaha baarlamaanka federaalkuna uu u matalayay xubnaha:

“Guddi baa loo saarayaa iyo waxbaa laga badalayaa, waxay aniga ila tahay waa wakhti dil un baan u arka, waayo, wax loo dhan yahay ayay ahayd baarlamaankuna ay taladooda iyo gudiyadooda ay ku lahaayeen, illaa guddoomiyahoodu qaraanrka wax kasoo saaray, madaxweynaha oo go’aanka baarlamaanka marka ugu dambeysa saxiixi lahaana isaguna go’aanka ayuu qeyb ka ahaa, markaa maba fahmin waxa ka socda meesha”.ayuu hadalkiisa ku daray.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa go’aanka ay ka qaadanayaan doorashada dhamaadka sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News