Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay maamulka Galgaduud sare ee dhawaan laga dhisay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kaasi oo ay dhisteen qaar kamid ah beelaha dega Galmudug oo maamulkaasi ka carooday.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney ku sugan yihiin degmada maamulkaasi lagu dhisay isaga iyo odayaal kasoo jeeda Galmudug kuwaasi oo shirar ku leh degmada Caabudwaaq.
Maxamed Xaashi, ayaa si cad u sheegay in maamul aan Galmudug aheyn inuusan ka shaqeyn karin deegaanada Galgaduud iyo Mudug, isagoo sheegay in marnaba aysan la socon maamulka Galgaduud sare iyo maamulo kale oo laga dhisay Galmudug deegaanadeeda.
Sidoo kale wuxuu sheegay in magaalada Caabudwaaq ay u tageen kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan waxgaradka gobolka si loo dhameystiro maamulka Caabudwaaq.
Wuxuu wax la sheeg sheegay kasoo qaaday maamulkii dhawaan laga dhisay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/05/galmudug.mp3″]
Caasimada Online
xafiiska Galmudug
[email protected]

