Maxdaxweynaha Jumhuuriyadda Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa maanta waxa uu xarigga ka jiray laba wadda oo muhim u ah dadka dagan magaalada Caasimadda ee Moqdisho.
Labadani wadda ayaa waxa ay kala yihiin wadada isku xerta Sayidka ilaa iyo isgooyska dagmada Howl-wadaag , iyo wadda loo yaqaan dan-wadaagaha ee isku xerta Isgooysaka Soobe ilaa iyo isgooyska Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir.
Madaxweynaha oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda xarig-jarka wada isku xerta Saiyidka ilaa Iyo isgooyska Howl-wadaag, ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay dhismaha wadaaasi asiga oo sheegay in ay arintaasi muujineysa sida ay dadka diyaar ugu yihiin in ay wax u qabsadaan.

Gudoomiya dagmada Howl-wadaag Ciise Maxamuud Guure oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha wadadani ay ku baxday lacag dhan Afar boqol iyo kontan kun oo doolarka mareekanka ah ( $450) taasi oo ay bixiyeen ganacsatada qaybaheeda kal duwan , bahda warxbarashada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee ku dhaqan ama ganacsiga ku leh degmada Howl-wadaag.

Dhismaha wadadani iyo midda Dan-wadaagaha ee dagmada Wadajir ayaa waxa ay noqonayaan wadooyinkii ugu horeeyay ee loo dhisa si iskaa wax u qabsa ah .
Waxaa xusid mudan in dhismaha wadada isku xerta Sayidka ilaa isgooyska Howla-wadaag uu bilaawday 17 bishii labaad ee sanadkaan asiga oo dhamaaday 23 bishii seddaxaad ee isla sanadkaan.





